Ku Saabsan Danwanaag
Danwadaag waa urur dadweyne oo ka dhexeeye shacabka reer Somaliland. Waa urur aan siyaasad, qabyaalad iyo dano gaara midna aan shaqo kulahayn. Waa urur loogu talo galay inuu horumariyo wax soosaarka Somaliland. Waxaan aaminsanahay in horumarka iyo barwaaqada bulshadeena ay ku xidhantahaya dib udhiska iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee dalkeena.
Himilo Iyo Higsi
Himiladayadu waa inaan Somaliland ka dhigno dal ay dadkiisu si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarka iyo wax-soosaarka labadaba. Waxaan rabnaa in bulshadeenu aysan kaliya ku tiirsanaan deeqo shisheeye, balse ay yeeshaan awood ay isugu filnaadaan oo ay si tartiib tartiib ah u gaadhaan is-dhexgal dhaqaale oo heer caalami ah.
Yoolal Guud
✅ Dib u noolaynta dhulka – Waxan Hirgalin doonaa mashaariic lagu geedaynayo dhulka si looga hortago nabaad guurka iyo abaaraha.
✅ Horumarinta beeraleyda – Waxaan bixin doonaa tababaro casri ah oo lagu horumarinayo wax-soosaarka beeraleyda.
✅ Xoolo-dhaqashada casriga ah - Waxaan horumarin doonaa caafimaadka xoolaha si looga hortago cudurrada.
Danwadaag waa mid ay bulshadu wada leedahay, waxaana rajeyneynaa in qof kasta oo doonaya horumar uu gacan ka geysto dhismaha mustaqbal ifaya.